Quraba joogta nimankay dhahaan ee qabsaday uunka
• Quluubtoodu way gubatayoo buufis baa qalaye
• Qashinkay guraan sidii xamaal qaradaha oo dhan
• Qani baan ahuu kugu galaa qaylo iyo beene
• Qiyaas maleh intey dumar qaldeen qaali gabadheede
• Quraafaad nin aaminay ayaad qalanjo siiseene
• Lacag qaaliyoow kugu gatoo qoomamana keenta
• Qaan aan hadhayn buu irdaha kuu qotomiyaaye
• Qamuumyo iyo dhib beey idin badeen qiranse maysaane
• Qabri inaad gashaa kaaga wacan nolosha qaarkeede
• Maalintuu qalbiga kaaxadee kaa qufulo laabta
• Ee uu suntii kugu qubeed waydo quruxdaadii
• Qalinkuu kuduugaa furiin aan qorsho lahayne
• Waxaad qushuucsanaataba marbaad qool la orodaaye
• Qalalaase iyo oohin baad meel laqabataaye
• Qosol iyo farxadi kaa hadhoo waad qayirantaaye
• Qiyaamahan xaguu kaaga yimid kaa qaribay guurka
• Qunyar socod maliicdee maxaad qiil udhigan wayday
• Qabyo iyo garoobnimo maxaa kugu qabtood eeday
• Qalbi jab iyo maxaa kugu xaqsaday ubad lagaa qaato
• Qafan qoof maxaa kugu ridoo sharaftii kaa qaaday
• Qabitaan la’aan biil qalalan qaaracnimo waarta
• Qoryo guratay quud aan lahayn oon laguu qorine
• Qaraashidu miyey noqon nin raga waa qisiyo yaabe
• Qayrkood kahadhe naago waa qoom ladoorsadaye
• Quudareeya kii shilin wataba qajili maysaane
• Ku qabsada qaraaf iyo sikhraan hunguri qabasho loowaaye
• Oo qaaliyoow dhaha libaax qoorta soofidiyay
• Qoondaysta meel kale ragas qiimo laga waaye
• Waxaan qariyo mahayee habloow qaladka aan dhowro

No comments:
Post a Comment