Tuesday, May 20, 2014

EED SHEEGASHO

asadoow inadeerkay inaad tahay ninyahaw waan ogsoonahaye,
 ooridaan kuraacshiyo dadkaan kugu abtirinaayay,
 ee aad itidhi waan adkayn agabka reerkaaga
 ilmahayga oodhiman hadaad aasi kari wayday,
 arxan baan kumoodaye ninyahaw eexashada dhaafa,
 inkastoo illahay qorood baajin amarkiisa,
 aabahaa ninkuu dhalay dadkaa laga inshaartaaye,
axdigii masaasuu ahaa aaqil baad tahaye,

 afkaartaadu sootay wacnayd waan ku aaminaye,
xaajadu markay oogantahay uubato mawayday
 il ninkii la' dhinacaaa kalaa laga istaagaaye,
 akhbaartood isiisiyo kolood ii iljabisaaba,
 imtixaanka nololeed sibuu iiga aarsadaye,
eed sheegashadu waa ibtilo aafo iyo hooge,
 hayeeshee sibaad iigu tidhi uunku waa nabade,
 afdhabaan dhaw igadaa ninyahaw oohini waa taagtay'e

No comments:

Post a Comment