ü DDSI
dhalatayoo dhaaftay dunidiiye
ü Dhaqankiyo
hiddihii bay wadaan dhaxalkii soomaale
ü Dhankastoo
la eegaba dhismiyo laamida isdhaaftay
ü Dhaayaha
arkaa way farxaan saaka dhagax-buure
ü Dhulka
nabada taalaan u boggay taniyo dhaaroole
ü Dhuxun
iyo shilaabuu marqudha tellku dhacayaaye
ü Dhanaan
iyo dhurwaalaan maraa nabad ku dhaafaaye
ü Dhaxsin
uma galoo waan taggaa dhiidha laba saace
ü Dhalashiyo
qabyaaladi hadhoo dhaadashaa timide
ü Cabdi baa
kudhiiraday bulshada inuu dhaxmeeraaye
ü Dhabarkuu
nasaariyo xubnaha tiisa ugu dheere
ü Dhaqsahaa
waxaa ugu gurmaday madaxdan dhaadheere
ü Dhididkooda
niman baa u huray oo u dhiidhiyaye
ü Dhiigooda
liyuugaa u shubay oo u dhaawacane
ü Dhigihii
lakala tuuray beey dheeli tirayaane
ü Dhaxantiyo
dhibtay naga ceshaan dhaar iyo habeene
ü Dhufayskii
lagu gali jireey dhaqtar ka taageene
ü Dhambaal
qaaliyaan idin fariye dhab u xasuusnaada
ü Dhagihiina
iikala furaay hadalku waa dheefe
ü Dhadig
iyo labbood waa inaan hadaf dhitaynaaye
ü Dhimbishii
wax guba haysay oo dhibicdii roob
qoysay
ü Dhiishii
baalidoowdaa lacugay geelna waa dhalaye
ü Dhakafaar
ninkii qabay hadduu helay dhigiisiiye
ü Dhalintiyo
barbaartuna cilmigay dhawda kuhayaane
ü Horumar
dhuumihii baan cabnaa waana dharagnaaye
ü Dhayda
caanahaan quudanaa subagna dhuuqnaaye
ü Dhaqaaleheenii
maantuu kacoon dheeman guranaaye
ü Nimankaa
dhadaanbiyihayoow dhuuxa hadalkayga
ü Dhunkaal
kamaanan doorteen anoo soor la iidhigaye
ü Kaalaya
dhaxgala reerahoo dhawrta ubadakiina
ü Dhurwaagiyo
kasoo gala hanfiga waydun dhimateenee
ü Dheel
dheelka daayoo bulshada dhab ugusoo biira
ü Dhaankii
maqnaa baa yimide qaata dhinaciina
ü Dhumaalaysi
waa laga tagaye dhabaha sooqaada
ü Dhado
roob manoqotee hurdada dhab ugasoo toosa
No comments:
Post a Comment