Saturday, May 10, 2014

DAGALKA FIIQEED

dadka nogob kunoolow hurdaad dalaq tidhaaheene
da'yar iyo duqay uunka waad daba maraysaane
waayeelkeenii wuu dabargo,oo waala doorsadaye
adhigay dilaalaan xumana way dudubiyaane
maskax daxal kubeermaan rabaa inaan daweeyaaye
dakaniyo collaadii hadhoo waa ladiirsadaye
damiir laawe nimada iyo raaxadaan kaaga digayaaye
diyaar waa inaad unoqotaan midoow lagu dagoo waara
xukuumadu dadaalkay gashee duul walbaba gaadhay
dawladeena joogtiyo qorshaha maanta lagu daaqo
dib ucurashadaasaan wataa dayrtan maanta ahe
dulmiga iyo ubada waa inaad dabarkood gooysaane
dabaysha iyo cad-ceedaan rabaa inaad daah kaxidhataane
danyarta iyo dabatadaan rabaa inuu doobi buuxsado'e
isku duubnidaasaan rabaa daacadnimo joogta
dagaaga iyo deeqda gaaladaan rabaa inaad kadaashaane
dawacada iyo baraarkaan rabaa inay isdaayaane
daruur inay inoo curato oo dararo maalkeenu
duruufaha inii laga baxoon darajo wayn gaadhno
dakhli inaan abuurnoo ragoow diifta laga maydho
danta guud inaan fahano waa dawga aan rabo'e
daryeel wacan inii lagu dagaan doonayaa waliye
dulqaad iyo wax qabad yeesha waa dayrka nabadeede
dawarsiga iyo dal kale aadka waa lagu danseegaaye
deegaankeenu waa hodan hadaad dayac tiraysaane
xoolaha dareeriyo biyaha daan walbaba yaala
duruusta iyo cilmiga daadah-shoo diinta kor uqaada
darxumada waxaa lagu dhimaa dalaga beereede
dayuurado inaan yeelanoon dunida qaar gaadhno
oo aan danwaa iyo jigjiga doon ukala raacno
dalxiisayaasha caalamkaan rabaa inay kudoodaane
dalsan weeye doog iyo diraac dagalka fiiqeede
dooxada afmeer iyo dul-hawd dooya dhinaceeda
daakhatiyo gabriiliyo dikey dabala hoosteeda
daafaha dhulkeenaan rabaa inaan dakeeyaaye
dabuubtayda gabay waa inaan meel kudamiyaaye
dariiqaa in la idiin furaan idin dareensiine
dagmadeena fiiriya ducana haydin dabataalo

No comments:

Post a Comment