gaashaan waa
garaadkii tolkee geesiga ahaaye,
waa ninkii
gardaadiyay guruubkeenan oo idile,
garabkeena midig buu ahaa goor iyo ayaane,
gar markay
timaadana midkii gooya waysaga'e,
gacmaheena
wiilkii simee goobay waysaga'e,
guyaal badan
dad kala goostay buu geed isugu keenay,
maskax aan galoobaynin oo guulle ugu deeqay,
iyo gacal jacyl aan marnaba gaabis ku imaanin,
gabanimo intay badantuhuu gooni ulahaaye,
allahayow
gargaar adag ubixi galabna yay dhaafin,
oo gurmad wayn ukeen maalin qudha galista hawshiisa
oo guushiisa
waan jecelahaye yaan lagaran waayin
No comments:
Post a Comment