Tuesday, May 20, 2014

EED SHEEGASHO

asadoow inadeerkay inaad tahay ninyahaw waan ogsoonahaye,
 ooridaan kuraacshiyo dadkaan kugu abtirinaayay,
 ee aad itidhi waan adkayn agabka reerkaaga
 ilmahayga oodhiman hadaad aasi kari wayday,
 arxan baan kumoodaye ninyahaw eexashada dhaafa,
 inkastoo illahay qorood baajin amarkiisa,
 aabahaa ninkuu dhalay dadkaa laga inshaartaaye,
axdigii masaasuu ahaa aaqil baad tahaye,

 afkaartaadu sootay wacnayd waan ku aaminaye,
xaajadu markay oogantahay uubato mawayday
 il ninkii la' dhinacaaa kalaa laga istaagaaye,
 akhbaartood isiisiyo kolood ii iljabisaaba,
 imtixaanka nololeed sibuu iiga aarsadaye,
eed sheegashadu waa ibtilo aafo iyo hooge,
 hayeeshee sibaad iigu tidhi uunku waa nabade,
 afdhabaan dhaw igadaa ninyahaw oohini waa taagtay'e

AMAADINKA DAACADA AH

maria runtii iyo daacadii,
shisheeye madoonayoo,
dadkana ruxii kugaran,

 duntiisana aad taqaan,
macaan iyo diin udheertahay,
ee aan dayrinhayn tolkaa,
diciifnimo aan kujirin,
dulqaadkiisana aad ubogi,
duruufaha kuugu gali,
hadduu alle duunyo siiyana,
daryeelka wanaagsanee,
aqliga dahabka ah leh iyo 
amaaadinkan daacada ah,
dadkaasaad igu ogtahay,
durbana waa la ii hibayn,
dumarka tii ugu wacnayd,
dareenkuna uu kudago,
diyaar bay iitahoo,
dadkana waan ugu jeclahay,
dadaalna waad igu ogtahay,

DDSI

ü  DDSI dhalatayoo dhaaftay dunidiiye
ü  Dhaqankiyo hiddihii bay wadaan dhaxalkii soomaale
ü  Dhankastoo la eegaba dhismiyo laamida isdhaaftay
ü  Dhaayaha arkaa way farxaan saaka dhagax-buure
ü  Dhulka nabada taalaan u boggay taniyo dhaaroole
ü  Dhuxun iyo shilaabuu marqudha tellku dhacayaaye
ü  Dhanaan iyo dhurwaalaan maraa nabad ku dhaafaaye
ü  Dhaxsin uma galoo waan taggaa dhiidha laba saace
ü  Dhalashiyo qabyaaladi hadhoo dhaadashaa timide
ü  Cabdi baa kudhiiraday bulshada inuu dhaxmeeraaye
ü  Dhabarkuu nasaariyo  xubnaha tiisa ugu dheere
ü  Dhaqsahaa waxaa ugu gurmaday madaxdan dhaadheere
ü  Dhididkooda niman baa u huray oo u dhiidhiyaye
ü  Dhiigooda liyuugaa u shubay oo u dhaawacane
ü  Dhigihii lakala tuuray beey dheeli tirayaane
ü  Dhaxantiyo dhibtay naga ceshaan dhaar iyo habeene 
ü  Dhufayskii lagu gali jireey dhaqtar ka taageene
ü  Dhambaal qaaliyaan idin fariye dhab u xasuusnaada
ü  Dhagihiina iikala furaay hadalku waa dheefe
ü  Dhadig iyo labbood waa inaan hadaf dhitaynaaye
ü  Dhimbishii wax guba haysay   oo dhibicdii roob qoysay
ü  Dhiishii baalidoowdaa lacugay geelna waa dhalaye
ü  Dhakafaar ninkii qabay hadduu helay dhigiisiiye
ü  Dhalintiyo barbaartuna cilmigay dhawda kuhayaane
ü  Horumar dhuumihii baan cabnaa waana dharagnaaye
ü  Dhayda caanahaan quudanaa subagna dhuuqnaaye
ü  Dhaqaaleheenii maantuu kacoon dheeman guranaaye
ü  Nimankaa dhadaanbiyihayoow dhuuxa hadalkayga
ü  Dhunkaal kamaanan doorteen anoo soor la iidhigaye
ü  Kaalaya dhaxgala reerahoo dhawrta ubadakiina
ü  Dhurwaagiyo kasoo gala hanfiga waydun dhimateenee
ü  Dheel dheelka daayoo bulshada dhab ugusoo biira
ü  Dhaankii maqnaa baa yimide qaata dhinaciina
ü  Dhumaalaysi waa laga tagaye dhabaha sooqaada
ü  Dhado roob manoqotee hurdada dhab ugasoo toosa





Saturday, May 10, 2014

DAGALKA FIIQEED

dadka nogob kunoolow hurdaad dalaq tidhaaheene
da'yar iyo duqay uunka waad daba maraysaane
waayeelkeenii wuu dabargo,oo waala doorsadaye
adhigay dilaalaan xumana way dudubiyaane
maskax daxal kubeermaan rabaa inaan daweeyaaye
dakaniyo collaadii hadhoo waa ladiirsadaye
damiir laawe nimada iyo raaxadaan kaaga digayaaye
diyaar waa inaad unoqotaan midoow lagu dagoo waara
xukuumadu dadaalkay gashee duul walbaba gaadhay
dawladeena joogtiyo qorshaha maanta lagu daaqo
dib ucurashadaasaan wataa dayrtan maanta ahe
dulmiga iyo ubada waa inaad dabarkood gooysaane
dabaysha iyo cad-ceedaan rabaa inaad daah kaxidhataane
danyarta iyo dabatadaan rabaa inuu doobi buuxsado'e
isku duubnidaasaan rabaa daacadnimo joogta
dagaaga iyo deeqda gaaladaan rabaa inaad kadaashaane
dawacada iyo baraarkaan rabaa inay isdaayaane
daruur inay inoo curato oo dararo maalkeenu
duruufaha inii laga baxoon darajo wayn gaadhno
dakhli inaan abuurnoo ragoow diifta laga maydho
danta guud inaan fahano waa dawga aan rabo'e
daryeel wacan inii lagu dagaan doonayaa waliye
dulqaad iyo wax qabad yeesha waa dayrka nabadeede
dawarsiga iyo dal kale aadka waa lagu danseegaaye
deegaankeenu waa hodan hadaad dayac tiraysaane
xoolaha dareeriyo biyaha daan walbaba yaala
duruusta iyo cilmiga daadah-shoo diinta kor uqaada
darxumada waxaa lagu dhimaa dalaga beereede
dayuurado inaan yeelanoon dunida qaar gaadhno
oo aan danwaa iyo jigjiga doon ukala raacno
dalxiisayaasha caalamkaan rabaa inay kudoodaane
dalsan weeye doog iyo diraac dagalka fiiqeede
dooxada afmeer iyo dul-hawd dooya dhinaceeda
daakhatiyo gabriiliyo dikey dabala hoosteeda
daafaha dhulkeenaan rabaa inaan dakeeyaaye
dabuubtayda gabay waa inaan meel kudamiyaaye
dariiqaa in la idiin furaan idin dareensiine
dagmadeena fiiriya ducana haydin dabataalo

QURBAJOOG

 Quraba joogta nimankay dhahaan ee qabsaday uunka 
• Quluubtoodu way gubatayoo buufis baa qalaye
• Qashinkay guraan sidii xamaal qaradaha oo dhan
• Qani baan ahuu kugu galaa qaylo iyo beene
• Qiyaas maleh intey dumar qaldeen qaali gabadheede
• Quraafaad nin aaminay ayaad qalanjo siiseene
• Lacag qaaliyoow kugu gatoo qoomamana keenta
• Qaan aan hadhayn buu irdaha kuu qotomiyaaye
• Qamuumyo iyo dhib beey idin badeen qiranse maysaane
• Qabri inaad gashaa kaaga wacan nolosha qaarkeede
• Maalintuu qalbiga kaaxadee kaa qufulo laabta
• Ee uu suntii kugu qubeed waydo quruxdaadii
• Qalinkuu kuduugaa furiin aan qorsho lahayne
• Waxaad qushuucsanaataba marbaad qool la orodaaye
• Qalalaase iyo oohin baad meel laqabataaye
• Qosol iyo farxadi kaa hadhoo waad qayirantaaye
• Qiyaamahan xaguu kaaga yimid kaa qaribay guurka
• Qunyar socod maliicdee maxaad qiil udhigan wayday
• Qabyo iyo garoobnimo maxaa kugu qabtood eeday
• Qalbi jab iyo maxaa kugu xaqsaday ubad lagaa qaato
• Qafan qoof maxaa kugu ridoo sharaftii kaa qaaday
• Qabitaan la’aan biil qalalan qaaracnimo waarta
• Qoryo guratay quud aan lahayn oon laguu qorine
• Qaraashidu miyey noqon nin raga waa qisiyo yaabe
• Qayrkood kahadhe naago waa qoom ladoorsadaye
• Quudareeya kii shilin wataba qajili maysaane
• Ku qabsada qaraaf iyo sikhraan hunguri qabasho loowaaye
• Oo qaaliyoow dhaha libaax qoorta soofidiyay
• Qoondaysta meel kale ragas qiimo laga waaye
• Waxaan qariyo mahayee habloow qaladka aan dhowro

Tuesday, February 25, 2014

garaad gaashaan

gaashaan waa garaadkii tolkee geesiga ahaaye,
waa ninkii gardaadiyay guruubkeenan oo idile,
 garabkeena midig buu ahaa goor iyo ayaane,
gar markay timaadana midkii gooya waysaga'e,
gacmaheena wiilkii simee goobay waysaga'e,
guyaal badan dad kala goostay buu geed isugu keenay,
 maskax aan galoobaynin oo guulle ugu deeqay,
 iyo gacal jacyl aan marnaba gaabis ku imaanin,
 gabanimo intay badantuhuu gooni ulahaaye,
allahayow gargaar adag ubixi galabna yay dhaafin,
 oo gurmad wayn ukeen maalin qudha galista hawshiisa

oo guushiisa waan jecelahaye yaan lagaran waayin

Tuesday, January 21, 2014

garyaqaan

garaad cabdiyoow gayaankay budh weeye,
hadana gocashada iyo xanuunku gumaad bay igu hayaan, 
geeridu xataa xaq weeyee,
miyaan garyaqaan garaadale,
tolki garab wayn kahelay,
gandoow iyo gayi kale kayimid,
miyaan geed kula hadlaa,
inadeerow miyan lagar goortimi karaa,
miyuu gacaladaydii xambaartay, 
miyuuu geed dheer lafuulay,
miyuu gabi dheer iiga booday,
iyana garan wayday waxan galo iyo wanaagii,
miyay balanti mar goysay, 
miyay axdigii giriiftay,
arimihii aan wada gorfayniyo miyay garan wayday xaalkii, 
miyaan gawriirsaday meel cidla ah,
miyaan garabkaygii waayay, 
miyaan geedi beena guuray,
miyaan guri balafa taagay,
miyaan gardaadiyay wiil aan dhalin, 
miyaan( mushtaaq) gabadhaydii waayay,
sidaan gaatan hooyo waayay,
miyaan gab ku idhi sariirtii, 
miyaan sidii gabadh lafuray u ooyay, 
miyaan danahaygii gees maray, 
miyaan gilgishoon xumaaday, 
miyaan hamigeygii gawracay, 
war illleen dumarku waa gaban sidiye, 
midaan geenyo dumar u haystay, 
guryaha lacaglayda gaadhiyo,
miyay ku gadooday gaarruun, 
waxaanse gunaanadkii idhi, 
wallee godob ninkii gala,
inuu la xaryaami gaadhigu,
oo uu nabsigu gurada jari.