Tuesday, February 25, 2014

garaad gaashaan

gaashaan waa garaadkii tolkee geesiga ahaaye,
waa ninkii gardaadiyay guruubkeenan oo idile,
 garabkeena midig buu ahaa goor iyo ayaane,
gar markay timaadana midkii gooya waysaga'e,
gacmaheena wiilkii simee goobay waysaga'e,
guyaal badan dad kala goostay buu geed isugu keenay,
 maskax aan galoobaynin oo guulle ugu deeqay,
 iyo gacal jacyl aan marnaba gaabis ku imaanin,
 gabanimo intay badantuhuu gooni ulahaaye,
allahayow gargaar adag ubixi galabna yay dhaafin,
 oo gurmad wayn ukeen maalin qudha galista hawshiisa

oo guushiisa waan jecelahaye yaan lagaran waayin