Tuesday, January 21, 2014

garyaqaan

garaad cabdiyoow gayaankay budh weeye,
hadana gocashada iyo xanuunku gumaad bay igu hayaan, 
geeridu xataa xaq weeyee,
miyaan garyaqaan garaadale,
tolki garab wayn kahelay,
gandoow iyo gayi kale kayimid,
miyaan geed kula hadlaa,
inadeerow miyan lagar goortimi karaa,
miyuu gacaladaydii xambaartay, 
miyuuu geed dheer lafuulay,
miyuu gabi dheer iiga booday,
iyana garan wayday waxan galo iyo wanaagii,
miyay balanti mar goysay, 
miyay axdigii giriiftay,
arimihii aan wada gorfayniyo miyay garan wayday xaalkii, 
miyaan gawriirsaday meel cidla ah,
miyaan garabkaygii waayay, 
miyaan geedi beena guuray,
miyaan guri balafa taagay,
miyaan gardaadiyay wiil aan dhalin, 
miyaan( mushtaaq) gabadhaydii waayay,
sidaan gaatan hooyo waayay,
miyaan gab ku idhi sariirtii, 
miyaan sidii gabadh lafuray u ooyay, 
miyaan danahaygii gees maray, 
miyaan gilgishoon xumaaday, 
miyaan hamigeygii gawracay, 
war illleen dumarku waa gaban sidiye, 
midaan geenyo dumar u haystay, 
guryaha lacaglayda gaadhiyo,
miyay ku gadooday gaarruun, 
waxaanse gunaanadkii idhi, 
wallee godob ninkii gala,
inuu la xaryaami gaadhigu,
oo uu nabsigu gurada jari.